Maxaa Sabab U Ah In Dawlada Shiinahu Ay U Hanjabto Canada ?

USA (GNN):-  Dowladda Shiinaha ayaa ka dalbatay Canada in ay siidayso madaxa shirkada Huawei, Meng Wanzhou ,haddii kale ay cawaaqib xun kala kulmi doon.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Shiinaha Le Yucheng ayaa u yeeray safiirka Canada u fadhiya Shiinaha si uu ugu gudbiyo cabasho adag waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan ay dowladad Shiinaha soo saartay.

Ms Meng ayaa jimcihii la hor keenay maxkamad ku taalla Canada,balse dib ayaa loo dhigay go’aanka maxkamada ilaa Isniinta.

Ms Meng ayaa la xiray Sabtidii aanu soo dhaafnay ka dib markii ay dowladda Mareykanka codsatay in la xidho

Mrs Meng ayaa lagu eedeeyay in ay jabisay cunaqabataynta Mareykanka uu ku soo rogay Iiraan.

Dowladda Shiinaha ayaa ku adkaysatay in Mrs Meng aysan wax shurci ah jabin.

Meng Wanzhou, waa 46, waxa ayna shirkadda Huawei ku soo biirtay horraantii 1993,.

Waxa ay ka qalinjabisay jaamacadda Seyniska iyo tiknoolajiyadda ee Huazhong sanaddii 1999,waxa ayna baratay culuumta xisaabaadka.

Waxa ay xilligaasi ku biirtay waaxda dhaqaalaha ee shirkadda Huawei.

Meng Wanzhou waxaa dhalay milkiilaha shirkadda Huawei Ren Zhengfei.

Sanaddii 2011 waxa ay noqotay madaxa dhaqaalaha ee shirkadda ,waxaana bilooyiin ka hor loo dalacsiiyay gudoomiya ku xigeenka shirkadda.

Xarigga madaxa shirkadda Huawei Meng Wanzhou ayaa waxa uu Mareykanka iyo Shiinaha ka dhex dhaliyay xiisad siyaasadeed.

Labada dal ayaa waxay horey isugu hayeen ganacsiga iyo canshuuraha alaabaha loo kala dhoofiyo.

GABILEY.NET