Wajaale(GNN)Wasiirka Wasaarada Hormarinta Biyaha Somaliland Iyo Wafti Culus Oo Hogaaminayo Ayaa Soo Gaadhey Degmada Wajaale Ee Gobolka Gabiley,Ujeedka Socaalkoda Ayaa Ku Saleysnaa Xadiga Ka Jarka Iyo In Si Rasmiya Wasaarada Biyuhu Ula Wareegto Mashruuca Biyo Galinta Degmada Wajaale,Waxana Wasiirka Biyaha Kala Qaybgalay Mashruucan Gudoomiyaha Degmada Wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi Oo Daneynaya Hormarinta Bulshada Wajaale, Xaashi Maxamuud Cabdi Mudadii Uu Majaraha UQabtey Maamulka Degmada Wajaale Waxa Soo Badanaya Hormarka Ka Jaanqaaday Degmada Wajaale,Dadka Falanqeeya Hanaanka Siyaasaduna Waxeyba Tilmaameen In Gudoomiye Xaashi maxamuud Cabdi Uu Kor Uqaaday Kaabayaasha DHaqaalaha Iyo Adeegyada Hormarinta Bulshada Loona Baahan Yahay In Uu Ku Sii Nagaado Degmada Wajaale,
HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA
Gudoomiyaha Degmada Wajaale Xaasi Maxamud Cabdi Oo Qudbad Dhinacyo Badan Tabanasa Ka Jeediyay Mashruucan Biyaha Galinta Wajaale Ee Saaka La Daahfurey Ayaa Wasiirka Biyaha Iyo Haayadaha Maalgalinayay Uga Mahadnaqey Mashruucan Oo Wajaale Baahiweyn Uqabtey,
REPORTER JACFAR CAWIL HERERI
GABILEY.NET