WARARKA




Madaxweynayaasha Itoobiya Iyo Eretria Oo Maanta Imanaya Moqdisho + [ Ujeedkooda ]

Moqdisho (GNN):- Hoggaamiyeyaasha dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa la sheegayaa in saacadaha soo socda ay soo gaadhi -doonaan magaalada Muqdisho.

ilo xog-ogaal ah ayaa ย xaqiijyey in berri subax ay Muqdisho ku soo wajahan yihiin raโ€™isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afawarki.

Kulankan ayaa daba-socdo midkii Gondar ee gobolka Baxar-daar .

Sooyaalka Heshiisyada 3da Dal:

1) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Asmara 5 โ€“ 6 September 2018 ee lagu sheegay war murtiyeedkii kasoo baxay in lagu heshiiyey 4 qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen iskaashi dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo amni oo sadexda dowladood sameystaan.

2) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar November 10, 2018