Madaxweyne Muuse Biixi Oo Saaka Madaxooyada Ka Baxay Iyo Halka Uu Tagay .

Hargeysa  (GNN):- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka ka soo baxay xafiiskiisa shaqo ee qasriga madaxtooyada Somaliland .

Madaxweynaha ayaa ugu  horeyn waxaa uu yimid cisbitaalka guud ee Hargeysa halkaas oo uu dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu soo kordhin doono cisbitaalka Hargeysa .

Madaxweynaha oo  dhagax dhigaas khudbad ka jeediyey waxaa uu sheegay in maanta la bilaabo in wasiirkii iyo agaasimihii xanuusada ee xukuumada la keeni doono cisbitaalka Hargeysa oo aan dibad loola carari doonin waxaana uu yidhi

“ Si cisbitaalka guud loo aamino , waa in aan madaxda dibadda loola cararin markay bukoodaan. Maanta laga bilaabo wasiirka iyo agaasimaha xanuunsada waa in cusbitaalka la keena”  Ayuu yidhi

Sidoo kale madaxweyne ayaa u sii dhaafay ka qeyb galka carwadii 8 aad ee Somaliland oo hada xafladeedu ay ka socoto hotel Guuleed , halkaas oo la filaayo inuu khudbad ka jeediyo

GABILEY.NET