Madaxweyne Trump Oo Qaramada Midoobay U Magacaabay Safiir Cusub Oo Dalkiisa U Ku Maali Doona

USA (GNN):- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Heather Nauert uu u magacaabo safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, sida ay tabinayso warbaahinta Maraykanka.

Warbaahinta Fox News ayaa ka mid ah saxaafadda arrintan baahisay, Nauert ayaana telefeshinkan ka soo noqotay barnaamij daadihiye.

Nikki Haley ayaa bishii Oktoobar ku dhawaaqday in ay bannaynayso safiirnimada Qaramada Midoobay dhamaadka sannadkan.

Nauert oo 48 jir ah ayaa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda laga dhigay bishii Abriil ee sannadkii 2017kii, kaas oo ahaa xilkii u horreeyay ee ay dawladda ka qabato.

Warbaahinta Fox News ayaa sheegtay in Trump uu arrintan Twitterka ku shaacin doono maalinta Jimcaha ah, dhanka kalana warbaahinta Bloomberg ayaa tabisay in saddex ilood oo kala duwan ay ka heleen in Nauert loo magacaabay safiirnimada Qaramada Midoobay.

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Maraykanka wali kama hadlin magacaabiddan.

GABILEY.NET