Qaraar Uu Mareykanku Hor Keenay Qaramada Midoobey Oo Fashilay + [ Cida Fashilisay

New York  (GNN):-  Qaraar uu Maraykanku horkeenay Golaha loo dhan yahay Qaramada Midoobay oo lagu cambaarayn lahaa gantaalada ay Xamaas ku tuurto Israa’iil ayaa guul darraystay.

Qaraarkan waxaa ogolaaday 87 dal waxaana diiday 57 halka 33 dal ay ka aamuseen, wuxuuna sidaas ku waayay tiradii looga baahnaa ee saddex meeloodoow labo.

Ergayga Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa sheegtay in ay arrintan ay garab istaag u tahay “taariikh dii soo jireenka ahayd ee khaldanayd” maadaama oo Qaramada Midoobay aysan waligeed cambaarayn caynkan ah jeedin.

Afhayeen u hadlay Xamaas ayaa sheegay in tallaabadan ay “dhirbaaxo” ku tahay madaxweyne Trump

Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in inkastoo aan la helin saddex meeloodow labadii loo baahnaa haddana in ay tahay markii koobaad dalalku ay aqlabiyad uga soo horjeedsadaan Xamaas.

Qaraarka Qaramada Midoobay ayaa culays siyaasadeed leh balse tallaabo qaadid kuma jirto.

GABILEY.NET