Siyaasi Cali Warancade Oo Soo Bandhigay Dariiq Halis Leh Oo Farmaajo U Horseeday Soomaaliya

Hargeysa (GNN):- Siyaasi Cali Maxamed Warancade oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland ayaa soo bandhigay caqabado uu madaxweyne Farmaajo u horseeday soomaaliya.

Siyaasi Cali Maxamed Warancade oo qoraal ka soo saaray magaalada Hargeysa ayaa ku sheegay in Farmaajo uu dariiq halis badan u horseeday soomaaliya, waxaanu qoraalkiisa u dhignaa sidan:-

Waxaa hubaal Ah  in  Madaxweyne Farmaajo u  muuqdo Nin Ku Haftay  Siyaasada Hogaamineed  ee uu  madaxda ka ahaa  isla  markaana  u muuqdo nin aan u  madaxbanaaneyn  tallada dalka uu  madaxweynaha  ka yahay.

Marka la eego daalaa dhaca ku yimid siyaasada arrimaha gudaha iyo dibada ee soomaaliya.

Madaxweyne  farmaajo  ficiladiisa  hogaamineed waxaa ka muuqda  aqoon daro siyaasadeed waayo arag la,aan iyo kali-talisnimo U horseedi karta  dalkaasi  burbur iyo hadimo fool xun.

Sommaliya waxay maanta u  baahan  tahay in la badbaadiyo inta aan  meel dheer laga doonin waxaana badbaado ugu  dhow mooshinka ay  Farmaajo ka keenen golaha shacabku.

Waxaase  ayaan darro labaad iyo laf-jab ku noqon karta shacabka reer soomaaliya ee dhibaatadu dul hoganeyso haddii mooshinka golaha shacabku keenay uu isu badalo mooshin hunguriyeed sidii caadada u  ahaan jirtay xubnaha golaha shacabka ee soomaaliya.

Waxaana la gudboon golahan in ay  shacabkooda u muujiyaan  daacadnimo oo dalka ka badbaadiyaan halista soo  food saartay.

GABILEY.NET