DEG DEG Wariye Cawil oo Ku Geeriyoday Qaraxii Saaka Ka Dhacay Magalada Muqdisho.

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax-yo is xig xigay oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wariye ka tirsan TV Universal oo lagu magacaabo Cabdicasiis OK ayaa goor dhaw u xaqiijiyay Hiiraan Online in qaraxii hore ee ka dhacay Tayaatarka uu ku geeriyooday Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa wariyayaasha Soomaaliyeed ee magac-weyn ku dhax lahaa warbaahinta Soomaalida isaga oo ka howlgalayay TV-ga Universal.

Qaraxan Labaad ee ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ayaa lagu waramayaa in uu ku dhaawacmay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax, sidoo kale waxaa ku dhintay qaar ka mid ah ilaaladii la soctay.

Qaraxa hore ayaa saameyn ku yeeshay dhismayaasha ka ag dhow Tiyaatarka Qaranka iyo Hooyooyinka, waxaana goobaha uu saameeyay ka mid ah Idaacada Kulmiye ee degan dhismaha Guriga Hooyooyinka iyo Xafiiska Telefishinka Universal oo ku dhow Tiyaatarka.

Gabiley.Net