Akhri:- Maamulaha Guud Ee Dugsiyada Nuura-Diin Oo Fariin Waxtar Leh U Diray Waalidiinta Iyo Ardayda Dugsiyadaasi

Hargeisa(GNN):-Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuura-diin Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed ayaa waxaa uu fariin u diray dhamaanba waalidka iyo ardayda wax ka barata Dugsiyadaasi.

Maamule Mahad ayaa ugu baaqay Waalidka in muddo yari ka hadhay in wakhtigii fasaxu  uu gabagabada noqonayay waxaanu sheegay la galayo Dugsiyada Nuura-diin 02/02/2018  oo ku beegan Maalin Sabti ah.

Mahada Ibraahim Maxamed ayaa waalidiinta ka codsaday in ay muddaasi yar ee ka hadhay galitaanka Dugsiga ay waalidku ku adkeeyaan ardayda in ay sii Naqtiimaan Casharadoodii.

Dhinaca kale waxaa uu Maamulahu uu xasuusinayaa waalidka in ay la socdaan imtaxaanada ubadkooda si ay dhankooda ubadka ugu soo diiri-galiyaan.

Geesta kale waxaa uu Maamulaha Dugsiyada Nuura-diin uu si gaara Waalidka uga Codsanayaa in sanadka ay Xooga la saaro xidhiidhka Waalidka iyo Dugsiyada Nuura-diin la joogteeyo la socodka ardayga marka uu joogo Guriga, si loo hello loona sugo Aqoontiisa, Akhlaaqdiisa suuban iyo ku dhaqanka Diinteena Samaawiga ah.

Maamule Mahad Ibraahim Maxamed ayaa gababadii Eebe ugu rajeeyay Ardayda, Waalidka  iyo Barayaashoodaba Guul iyo Liibaan.