”Berbera Timirbaa Lagu Beerayaa Gabileyna Geedkii Garanwaaga Meel Laga Mara La laayahay Ha Joojiyo Maayerka Gabiley MusuqMaasuqa.;”’Bulshada Gabiley Oo Hada Hadashay.

Gabiley(GNN)Tan Iyo Markii Mayeerka Gabiley Uu Majaraha Uqabtay Hanaanka Maamulka Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumer Cabdi,Waxa Soo Iftiimay Ku Takrifal Awoodeed Isticmalka Hantida Umada Iyo Musuqmaasuqii Oo Gaadhay Heer Xukumada Dhexe Ay Gabiley Usoo Dirtay Odhad Soo Xaqiijiya Eeedaha Musuqmaasuq Ee Dul Hoganaya Maayerka Magaalada.Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Magaalda Gabiley Ayaa Diirada Saaray Kala Duwanaanshaha Magaalooyinka Berbera Iyo Gabiley.Magaalada Berbera Wadooyinkii Geedo  Timir  Ayaa Lagu Beerayaa Gabileyna Geedkii  Garanwaaga  Ayaa Laga Gurayaa Waa Laba Kala Fog Oo Sababteeda Lala Xidhiidhinayo Hanti Uruursiga Ku Gadaaman Masuuliyiinta Magalada Gabiley Madaa Labad Magaalo Yihiin Ilaha Dhaqaale Ee Dalka Ugu Dakhliga Badan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Qaybaha Bulshada Ayaa Ka Dhiidhiyay Tacadiga Iyo Dulmiga Laga Galay Magaalada Gabiley Iyo Guud Ahaanba Gobolka Waxeyna Eedayn Iyo Masuuliyad Daro Uso Jeediyeen Maayerka Magaalada.Geedka Garanwaagu Wuxu Ku Jira Miisaniyada Dawlada Hoose Wuxuna Leeyahay Bajad Gaara  Balse  Waa La Leexsaday Dhaqaalahaasi.Geedka Garanwaaguna Maalinba Maalin Wuu Ku Sii Tarmayaa Magaalada,Shacabka Magaalada Gabiley Waxey Sido Kale Ka Dhawaajinayaan In Maayerka Magaalada Gabiley Uu Wado Qorshaha Qowda Maqashii Oo Waxna Hawqaban Uuna Noqonayo Maayer Taariikh Madaw Ka Gala Sooyaalka Magaalada Gabiley,

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET