DAAWO:Madaxweyne ku-xigeenka Oo ka Qayb-galay Barnaamijka Nafaqadda Hooyadda iyo Dhalaanka oo maanta lagu qabtay Hargeysa + Sawiro

Hargeysa-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mundane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta furay barnaamijka nafaqadda hooyadda iyo dhalaanka oo ay qayb ka noqonayaan ururdda aan dawliga ahayn ee Somaliland.

Barnaamijkan oo hoos yimaadda xafiiska Madaxweyneku-xigeenka Somaliland ayaa waxa warbixin ka bixiyay madaxa barnaamijkaasi u qaabilsan xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Dr. Sakariye waxaana kamid ahaa hadaladiisii โ€œBarnaamijkani waxa uu noqon doonaa mid taxane ah oo aanu ku kalano hayโ€™addaha iyo wasaaradaha ay hawshani khusayso, waxa aanu xil-weyn iska saaraynaa nafaqadda hooyadda iyo dhalaanka iyo sidii aynu usoo celin lahayn cunto dhaqameed-keenii qiimaha lahayd, waxaan halkan uga mahad celinaynaa hayโ€™adaha ku bahoobay barnaamijkani, Insha Allaah waxaanu qaban doonnaa kulan noocan oo kale ah oo ay ganacsatadda iyo waax-yaha waaweyn ee dalka qaybka noqdaan โ€œayuu yidhi Dr.Sakariye.

Waxa iyana halkaasi ka hadlay Marwo Amaal, Dr. Adna Aadan Ismaaciil, Wasiirka Beeraha Somaliland, Wasiir ku-xigeenadda wasaaradaha Waxbarashadda, Caafimaadka qorshaynta iyo sarkaal u hadlay hayโ€™adda UNICEF waxaanay dhamaantood ballan qaadeen in ay doorkooda ka qaadan doonaan barnaamijkani.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa sharaxay faaโ€™idooyinka uu barnaamijkani u leeyahay qaranka, waxaanu xusay madaxweyne ku-xigeenku in xukuumadu laban-laabi doonto taageeradeeda dhaqaale ee kor-u qaadista cunto tayo leh oo dalka kasoo baxda waxaanu yidhi โ€œBarnaamijkani waa barmaamij weyn oo waxtar leh, waa barnaamij ay ku bahoobeen dawladda iyo hayโ€™addo badan oo caalami ahi, waxaan aaminsanahay in uu wax weyn ka badali doono cuntooyinkeenii aynu isticmaali jirnay daryeelka dadku waa waajibaadka dawladda annaguna waanu dadaalaynaaโ€ayuu yidhi Madaxweyneku-xigeenka Somaliland.

Wa bilaahi Tawfiiq

Reach US At :

00252634243848

XULASHADA GNN





Documentary ka hadlaya Dib-u-dhiskii Somaliland

Shirkii Tawfiiq ee Sheekh 1992