Dawlada Imaaradka Carabta Oo Bixisay Lacagta Dhismaha Saldhiga Militery Ee Magaalada Berbera & Xogg Xaasaasi Oo Laga Helay.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Emirateka oo la iskugu gudbiyay shabakaddaha ay diblomasiyiintu ku xidhiidhan, ayaa lagu sheegay in dawladda Emirateku ay bixisay qandaraaska lagu dhisayo saldhiga Militery ee dalka Emirateku ka dhisaayo magaaladda Berbera, oo ah xarunta ganacsi ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida qoraalka lagu sheegay qandaraaska dhismaha Saldhiga militery ee Berbera ayaa la siiyay shariikad lagu magacaabo Divers Marine Contracting LLC, oo ah shariikad saldhigeedu yahay magaaladda Dubai.

Xogta ayaa lagu sheegay in dawladda Emirateku shubtay lacag dhan 100 malyuun oo dollarka maraykanka ah, oo qandaraaskani Saldhiga military ee Berbera lagu dhisayo.

Sida xogta lagu sheegay, saldhiga ayaa lagu rakibi doona radaalo iyo qallabka lagula socdo dhaq dhaqaaqa biyaha bedda cas, waxaa sidoo kale la dhisi doona sida xogta lagu sheegay maxadad tareen ah oo isku xidhi doonta dekedda magaaladda Berbera iyo saldhigani Militery. Qoraalka ayaa lagu sheegay inay dawladda Emiratku u fududayn doonto dalal danaha kale biyaha bedda in diyaaradahoogu ku nastaan saldhigani,

Waxaa kale oo lagu sheegay in Emirateku tababar ku dhex siin doono saldhiga ilaa 15000 oo ciidamadda militeryga Somaliland ah.

Gabiley.Net