Dawlada Israel Oo Qiratay Inay Weerartay Dalka …..

Qirasho naadir ah oo ay samaysay ayaa Israel waxa ay maanta ku xaqiijiysay inay duqeysay bartilmaameedyo Iran ay leedahay oo ku yaalla gudaha dalka Syria.

“Waxaan billownay inaan weerarno bartilmaameedyada ciidamada Qudus ee Iran ee gudaha Syria. Waxaan uga digaynaa ciidamada Syria inay isku dayaan inay waxyeeleeyaan ciidamada ama dhulka Israel” ayaa lagu yidhi qoraal milatariga Israel ay soo dhigeen barta twitter-ka.

Ma aysan bixin faah-faahin intaas dheer.

Hase yeeshee Israel ayaa duqeymaha billowday kadib markii ay dhexda ka qabatay gantaallo lagu soo tuuray buuraha Golan Heights, saacado kadib markii Syria ay sheegtay inay ahaayeen gantaallo lagu soo tuuray garoonka diyaaradaha Damascus.

Israel ayaa inta badan qiran ficilladeeda milatari ee gudaha dalka Syria, hase yeeshee ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu oo booqahso ku jooga dalka Chad ayaa yiri “waxaan leenahay siyaasad qeexan oo ah inaan waxyeelleeno saldhigyada Iran ee Syria iyo cid kasta oo isku dayda inay na waxyeeleyso”

Israel ayaa dooneysa inay ka fogaato inay ku lug yeelato dagaalka sokeeye ee Syria. Waxa ay ka codsatay Ruuska iyo xulafadisia dowladda Syria, in ciidamada iran ay ka fogeeyeen meelaha u dhow xuduudda Syria iyo Israel

GABILEY.NET