Deg Deg :- Golaha Guurtida Somaliland Oo Imika Muddo Kordhin Usameeyay Golaha Baarlamaanka.

  • Hareysa (GNN):- Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxaa ay iminka ku dhawaaqeen muddo  kordhin ay u  samayeen golayaasha wakiilada iyo Guurtida .Waxana Fadhigan Mudo Kordhinta Lagu Ansixiyay Ka Soo Xaadiray 70Mudane Oo Guurtida Ah.Guurtida ayaa ku dhawaaqdey in ay doorashada golaha wakiiladu ay dhici doonto  bisha 12 ee sanadka 2019 , sidoo kale na ay doorashada golaha guurtida ay dhici doonto bisha 12 ee sanadka 2020.
  • Muddo kordhintan kumay  jirin lagumana soo hadal qaadin golayaasha deeganka oo muddo xileedkoodu dhamaanyo   bisha saddexad ee sanadkan.

Si Kastaba Ha Ahaatee Wali Lama Fahansana Waxa Laga Yeelayo Golayaasha Deegaanka Oo Aan Lagu Soo Qaadin Fadhigan Guurtidu Ay Mudo Kordhinta Ugu Sameeyeen Baarlamaanka Somaliland.

GABILEY.NET