Haweeney Sucuudiga u dhalatay oo qoyskeeda isaga soo carartay kuna xayirantay gagida diyaaradaha ee Bangkok ayaa haatan waxa ay u duulaysaa dalka Canada si ay magangalyo halkaas u waydiisato, waxaa sidaasi sheegay saraakiisha Thailand.
Raxaf Maxamed al-Qunun, oo ah 18-jir ayaa Isniintii diidday inay raacdo diyaarad ka kicitimi laheyd Bangkok oo tegi laheyd Kuwayt, waxa ayna isku soo xirtay qol ay ka deganayd hoteel ku yaal garoonka diyaaradaha oo u kiraysnaa.
Waxa ay sheegtay inay isaga baxday diinta Islaamka, taas oo ciqaabteeda gudaha Sucuudi Carabiya ay tahay dil.
Hayโadda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa waxa ay sheegtay in gabadhiisa ay tahay qaxooti dhab ah.
Saraakiisha socdaalka ee Thailand ayaa bilowgii hore sheegay in gabadhaasi ay tahay inay dib ugu laabato Kuwayt, halkaas oo ay qoyskeeda ku sugayaan.
Kaddib waxa ay baraha bulshada ka bilowday olole, waxa ay barta Twitterka si toos ah u soo dhigaysay farriimo ay kaga hadlayso kiiskeeda sidoo kalana ay ku soo jiidanayso indhaha caalamka.
Caadiyan dowladaha ayaa qofka u aqoonsada inuu qaxooti yahay hasayeeshee Hayโadda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sidoo kale qofka siin karta heerka qaxootinimada โwaa marka aanan qofka la siin ama laga cagajiido heerkiisa qaxootinimadaโ, sida lagu sheegay barta internetka ay hayโaddaasi ku leedahay.
Saraakiisha socdaalka ee Thailand ayaa waxa ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen in Canada ay โgabadha siisay magangalyoโ, hasayeeshee saraakiisha Canada ayaa BBC-da u sheegay in aanay โhaatan haynโ wax ay arrintaasi ku xaqiijin karaan.
GABILEY.NET