Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Tobabarka Indho-Furka Shaqada Siisay Guulaysteyaashii Goboladda Awdal Iyo Togdheer Ee Dhawaan Ku Guulaystay Tartankii Shaqo

“Tobabar Iyo Tilmaam Kadib Waxaa Si Habsami Ah Loogu Qaybiyey Wasaaraddaha /Hay’addaha Dawladda”  Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle  

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa shaqaalihii cusba ee goboladda Awdal iyo Togdheer dawladdu ka qaadatay loona qabtay Tababarka Indho-Furka shaqaalaha ku kala wareejisay Wasaaraddaha iyo hay’addaha dawliga ee boosaska shaqooyin ka banaanaayeen.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle  oo Qoraal uu warbaahinta ugu talo galay oo uu soo saaray ku sharaxaaya qaabka shaqaalihii cusba ee dawladdu gobolada Awdal iyo Togdheer ka qaadatay oo tababaro Indha-furka shaqaalenimo ay hay’adda shaqaaluhu ku sii carbisay ka dib ay ku wareejiyeen shaqaalihii cusba wasaaraddaha iyo hay’adda hawliga ee boosaska shaqaale ka banaanaayeen waxaana  qoraalka sharmarke Geelle u dhigna sidan. .

Tobabarkan oo socday mudo laba casho ah ayaa , waydiimo iyo warcelin kadib, waxaa si habsami ah u soo dhammaaday qorshaynta iyo qaybinta Guulaysteyaashii dhawaan kasoo dhex mudhay tartamadii dalka ka qabsoomay qaybtoodii Gobollada Awdal iyo Togdheer –

Hay’adda Shaqaalah Dawladda aya Guulaysteyaasha ku dardaartay horumarinta Gobolka iyo guud ahaan-ba Qaranka waxaana loo ballamay shaqo hufan iyo adeeg qof walba oo muwaadin ahi halkiisa ku helo. -Adeeg bixinta oo qayb-weyn ka ah ujeedooyinka Dawladnimada shacabku u samaystaan ayaa sannadkan 2019 kamid ah tiiraarka ugu waawayn ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu beegsanayso iyada oo lagu gaadhayo ; kor u qaadida xadiga, xirfada iyo agabka Shaqaalaha Dawladda JSL.

Tobabarkan oo mar ka wada furmay gobolada Awdal iyo Togdheer halkaas oo si talan-taali ah marba uga socon doonna laba gobol iyada oo looga dan leeyahay kobcinta iyo maamul-daajinta shaqaalaha Dawladda JSL.

Image may contain: 3 people, people standingImage may contain: 16 people, people smilingImage may contain: 11 people, people smilingImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 7 peopleImage may contain: 6 people, including Abokor Carab Ileeye, people smiling, people sittingImage may contain: 6 people, people sittingImage may contain: 20 people, including Esse Yusuf Dahir and Xamda-Ayaan Yuusuf, people smiling, people sittingImage may contain: 1 person, suit and close-upImage may contain: 8 people, including Dr-Bashiir Raacdeeye, people standing and weddingImage may contain: 4 people, people standingImage may contain: Ismail Dabshidxusen, close-upImage may contain: 3 people, including Abdi Risaaq Nakruuma, people smiling, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, glassesImage may contain: 4 people, people smiling, people sitting, people standing and indoor

Gabiley.Net