Madaxweyne Ku Xigeen Goor Dhoweyd Geeryooday ,Waa Kuma?..

Johannesburg (GNN) waxa goor dhoweyd dalka Koonfur Afrika ku geeryooday madaxweyne ku xigeenkii dalka  Zambia  Luanda Mwabi .

Waxaana warkaasi  xaqiijiyey Madaxweynaha dalka Zambia oo boggiisa Twitter-ka ku qoray  in madaxweyne ku xigeenkii hore eedalkaasi  uu ku geeryooday wadanka Koonfur Afrika , halkaas oo lagu daweynaayey muddooyinkii ugu dambeeyey, waxaanu  xaalad caafimaad u yaaley cisbitaal ku yaala dalka Koonfur Afrika muddooyinkii ugu dambeeyey.

Madaxweyne ku xigeenkan geeryooday ayaa xilka madaxweyne ku xigeen la wareegay sannadkii 2004-tii , isaga oo xilkaasi ka degay sannadkii 2006-dii.

Xafiiska madaxtooyadda dalka Zambiya ayaa ku dhawaaqay maalmo baroordiiq ah iyo aas qaran oo loo diyaarinaayo madaxweyne ku xigeenkaasi hore ee dalka  Zambia , kaas oo xilkaasi hayey waqtigii uu madaxweynaha ahaa  madaxweyne Levy Mwanawasa.

GABILEY.NET