Magaalooyinka Kale Qashinkii Ayay Shacabka waayeen Cid Ka Qaada Anaguna Lacag La’aan ayaanu ku gurnaa…Duqa Berbera

Hargaysa(GNN)Duqa Degmadda Berbera Cabdi Shakuur Maxamed Xasan(Cidin) ayaa sheegay in golaha deegaanka ee berbera ay sanad kasta ay qorteen qorshaha ay ku hawl galayaan iyo mashaariicda ay ka fulinayaa berbera iyaga oo kaashanaya shacabka ay masuulka ka yihiin.
Maayar Cabdi Shakuur Cidin ayaa tilmaamay inaanay degmadda berbera ka dakhli badnayn degmooyinka kale balse ay isku filaysiiyeen cashuurta ay bulshadii ka qadeen iyo waxa ay ugu qabanayeen.
“Degmadda Berbera ee Aan odayga ka ahay waxa ay leedahay qorshe sanadle ah oo ay sanad walba joogo u qabato oo golaha deegaanka een odayga u ahay waxa ay sameeyaan sanadka cusub marka ay ka hadhsan tahay
afar bilood waxa ay sameeyaan qorshe lagu hawl galo.
Duqa Degmadda Berbera ayaa soo bandhigay waxa ay degmadda beriberi kaga duwan tahay golayaasha deegaanka ee Dalka.”waxaanu kaga duwanahay gobolada kale oo dhan waxaanu la baryaynaa qofka aanu bilaash kaaga qaadno qashinka halka ay iyagu lacag ka daba baryayaan magaalooyinka kale oo shacabku daba socdaa iyaga oo leh lacagtiina waad iga qaaday qashinkiina igamaad qaadin ama iyaga oo baryaya ayay gaadhsiinayaan gaadhigii qashinka.
Duqa Ayaa isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi.”caawa hadii laba mashiin ciladi ku dhaco waanu ognahay wasaaradu mashiin ay soo qaadayso majiro oo wakaaladu mashiin ay deg deg ku keenaysaa majirto lakiin halka laga gurmanayaa waa degmadda berbera.
Maayarka magaaladda berbera ayaa bulshadu ku majiirataa inta uu xilka hayay inuu bulshadii soo dooratay wax muuqada ku celiyay taasi oo isaguna kasbaday amaanteeda mudadii uu xilka hayay.