Maxaa Ka Jira In Wasiir Sacad Cali Shire Xilalkii Muhiimka Ahaa Uu Ku Taxay Beesha Uu Ka Soo Jeedo ?

Hargeysa (GNN):- Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin wararka sheegay inuu deegaankooda u magacaabay xilalka wasaaradda iyo kastamadda goboladda.

Wasiir Sacad ayaa sheegay in isku shaan-dhaynta uu wasaaradda ku sameeyay ay uga Gon Lahaayeen si kor loogu qaado tayadda wasaaradda isla markaasina loo galiyo dardar ah in ay dalka soo galiyaan dakhliga madaama oo wasaaradii maaliyadda ay yihiin.

“Wasiirkastaa marka uu yimaado wasaaradda waxa uu magacodaa Koox isaga la shaqaysa kumana magacaabo cida ay yihiin kumana eryaan cida uu yahay,lakiin sida ay hawshu ugu socoto waxa uu magacabaa cida uu u arko in ay xilalkaas la qaban karaan ayuu magacabaa,lakiin anigu cida la magacaabay maba aqaano qabiilkooda waxaana lagu doortay aqoontooda iyo kartidooda oo aniga cid I xigtaa ma joogto.sidaas ayaa uu yidhi wasiir sacad oo la hadlay eryal tv

Wasiir Horumarinta Maaliyadda somaliland Sacad Cali Shire oo hadalkiisa siiwat ayaa yidhi.”Dadka la magacaabay cida uu dhaw oo aanu isku qabiil nahay maba jiraan lakiin waxaanu isku badalka u samaynaa si kor loogu qaado hawsha iyo shaqadda wasaaradda si ay u gudato hawsha uu dastuurka somaliland u jeediyay.