Dawladda Ingiriiska Oo Taageeraysa Wada Hadal Dhex Mara Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo

Shabakadda Wales Online ee dalka UK, ayaadaabacday qoraal uu kaga hadlay Qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, waxaanu ciwaan uga dhigay”Somaliland oo shan maalmood uun aheyd qaran madax-bannaan ayaa raadinaysaaqoonsi caalami ah.”

Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, oo soo xigatay warbixinta lagu daabacay Warsidaha Wales Online,oo u qornayd sidan:-

“Somaliland waxayahayd dal madax-bannaan shan maalmood oo kaliya sannadkii 1960kii, laakiin dadka reer Somaliland ayaa muddooyinkan dambe sameeyey taariikh hor leh, waxana u hirgashaynabadgelyo iyo dimuqraadiyad tan iyo sannadkii 1991kii.

Shabakadda Wales Online waxay sheegtay in Somaliland ahaan jirtay illaa 1960kii maxmiyad Ingiriisku xukumi jiray, waxaana tirada dadkeedu la mid ahaa xilligaasmujtamaca reerWeles, waxaana labada dal ee Wales iyo Somaliland ka dhexeeyey cilaaqaad weyn.

Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay qoomamaynayso midowgii ay la gashay Soomaaliya, waxaanay mar kale noqotaydal madax-bannaan markii la afgambiyey kaligii Taliyihii Siyaad Barre ee Soomaaliya.

Wales Online waxa uu isbarbar-dhigay Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu ku sifeeyeySoomaaliyaQaran guul-daraystayoo ay ka jiraankooxaha xagjirka ah iyo kuwa budhcad baddeedda, halka Somalilandna uu ku tilmaamay”astaanta xasiloonidda ee qaaradda ay ka jiraan dawlado kalitaliyeyaal ahi.” Waxaanu xusay inuu Somaliland ka taliyo madaxweynihii shanaad eesi dimuqraadiya loo doortay isla markaana xukunka la iskugu wareejiyey si nabdoon.

Shabakaddu waxay xustay in Soomaaliya ay haysato ictiraaf caalamiya, halka Somalilandna aan wali la aqoonsan.

Warsiduhu wuxuu tusaale u soo qaatay Iid Cali Axmed oo reer Somaliland ah, horena u ahaa aqoonyahan baanka ka shaqeyn jiray ooqaxoontinimo ku yimid magaalada Cardiff oo uu ka soo cararay xilligii kaligii taliyihii Siyaad Barre xukumayey Soomaaliya, waxaanu sheegay in dadka reer Somaliland ay yihiin qaarhal-abuur ah isla markaana ay haystaandad badan oo aqoon sare leh.

Iid Cali Axmed wuxuu ku doodaybooqashadiiXoghayaha Gaashaan-dhiga UK,Gavin Williamson ku tagey Somaliland ay muhiim aheyd, hase ahaateeay xafiiska Arrimaha dibadda Ingiriiska ka doonayaan inay aqoonsadaan Somaliland oo ayku abaal-mariyaan wixii ay qabsatay.

Afhayeenka Xafiiska Arrimaha Dibadda UK, ayaa Wales Online u o sheegay in ay rumaysan yihiin in Somaliland iyo dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay heshiis ka gaadhaan mustaqbalkooda, isla markaanaaqoonsiga ay hormuud ka noqdaan dalalka ku yaalla gobolku.

Xafiiska Arrimaha Dibadda UKwuxuu intaas ku daray in Ingiriiskuuuxidhiidh soo jireen ah la leeyahay Somaliland, isla markaana ay sii wadayaan inay dhiirigeliyaanwadahadalka u dhexeeya Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.