Hargaysa (GNN) Xildhibaan Axmed Maxamed Diriye Nacnac oo ka tisan golaha wakiilada Somaliland ayaa ka dareen celiyey abaalmarin lagu gudoonsiiyay sida mutadawacnimada leh ee uu bulshada reer Somaliland ugu shaqeeyo.
Xildhibaan nac nac ayaa sheegay inuu siiwadi doono hawlaha uu uhayo bulshada “waxaan ku faraxsanahay in maanta laygu abaal mariyo xildhibaanka ugu wanaagsan xildhibaanada aqalka golaha wakiilada somaliland, waxaan halkan ka bogaadinayaa guuleystayaashii 45-kii qof ee maanta abaalmarinta la gudoonsiiyey dhamaantood, hawsha bulshada aan uhayana halkaasi ayaan kasii wadi doonaa intaan noolahay”.
Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray “ waxaan si Gaara u hambalyaynaya xubnaha loo aqoonsaday inay yihiin Halbeega Somaliland oo kala ah
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Dr. Edna Adan”.
Sidoo kale xildhibaanka ayaa u mahadceliyay ururkii soo qaban qaabiyay munaasibada “Waxa aan aad iyo aad ugu mahad naqaya dhalinyarada ururka Somaliland National Award’s Prize (SOLNAP) ee iskood isku xilqaamay ee gaartay in ay abaalmariyaan dadka bulshada sida mutadawacnimada ah ugu shaqeeya, waxa aan leeyahay waad ii dhirgalinseen dedalkaygana halkasi ban ka sii wadidoona”
GABILEY.NET