USA (GNN):- Hadal ka soo baxay Aqaalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in Kulanka 2-aad ee Madaxweyne Trump iyo Kim Jong Un dhici doono dabayaaqadda bisha soo socota ee Labaad
Shaacinta Kulankaasi ayaa lagu dhawaaqay. kadib markii uu Madaxweyne Trump xalay la kulmay Kim Yong Jool oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Dhexe ee Xisbiga ka taliya dalka Waqooyiga Kuurya oo haatan ku sugan Washington.
Kulankooda oo socday muddo 90 daqiiqo ah waxay kaga wad hadleen Kulanka Labaad ee Trump iyo Kim Jong Un iyo qorshaha Hub-ka-dhigista ee lagu burburinayo Nukliyeerka Waqooyiga Kuurya.
GABILEY.NET