Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Gaadhi Dagaal Ay Ku Qabsadeen Duleedka Muqdisho Ee Deegaanka Jaziira + [ Sawiro ]

Moqdisho (GNN):- Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay gaadhi nooca dagaalka ah oo ay sheegeen inay ka qabsadeen Ciidamada Militariga Dowladda Federalka Somalia.

iska horimaad ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho ayey sheegeen Al-shabaab inay kula wareegeen gaadhigan.

Gaadhigan ay Al-Shabaab soo bandhigeen oo ah nooca Soomaalidu u taqaano Cabdi bilaha ayaa ayaa waxaa ku xidhnaa qoriga Dhashiikaha, sidoo kalena waxaa ku buufsanaa astaanta Ciidanka Xoogga dalka.

Taliska Militariga Somalia kama hadlin gaadhigan ciidan ee Alshabaab ay sheegeen inay ka qabsadeen Ciidamada Xoogga dalka.

GABILEY.NET