Boosaaso (GNN):- War Rasmi ah oo ay iminka soo saartey Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Ururkaasi masuul ka ahaa weerarkii saaka lagu dilay masuulkii shirkada Dp World u qaabilsanaa dekada magaalada Boosaaso .
Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ay fuliyeen guutada magaceeda la dhaho Iqtiyaalaatka .
Waxaana sidaas idaacada afka Al Shabaan ku hadasha ee Al Andulus u xaqiijiyey afhayeenka Al Shabaab , sidoo kale Afhayeenka Al Shabaab waxuu sheegay in hawl galkani qeyb ka yahay hawl galo shirkado shisheeye oo uu calooshada u shaqeystayaal ku sheegay
GABILEY.NET