Maayirka Hargeysa iyo Wefti uu hogaaminayo oo Shir ku saabsan horumarinta Magaalooyinka kaga qaybgalay Belgium

Brussels(GNN):-Wefti uu hogaaminayo Maayirka Caasimada Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, kana kooban Maayirrada qaar kamida degmooyinka dalka ayaa xarunta Midowga Yurub  Magaalada Brussels, kaga qaybgalay Shirka horumarinta Degmooyinka iyo Gobolada Adduunka.

Shirkan oo intii uu socday lagaga hadlayey sidii loo horumarin lahaa Koboca Magaallooyinka, Ganacsiga, Cimilada iyo Bilcda deegaan-magaaleedyada caalamka, ayaa waxa Weftiga Maayirrada ah ee ka qaybgalay ay ka jeediyeen warbixino la xidhiidha magaallooyinka Somaliland iyo fursadaha dhinacyada kala duwan ah ee ka jira.

Sida ay GABILEY NEWS ka soo xigtay xubno kamida Weftiga Maayirku hogaaminayo ee ka qaybgalay Shirkaasi, waxa ay kulamo gooni gooni ah oo u badan isbarasho iyo is-xogwaraysi la yeesheen masuuliyiin ka kala socday caalamka oo Shirka goob-joog ka ahaa.

Warku wuxuu intaa ku daray inay guul iyo soo dhaweyn mug leh kala kulmeen Weftigu Shirkaasi, natiijo wanaagsana ugu soo gabagaboobay.

Xubnaha Weftiga waxa kamida Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo hogaaminaya iyo Maayirka Magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin.