Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Oo Tareen Ku Tagaya Dalka Vietnam + [ Ujeedada Safarkiisa ]

Kuuriya (GNN):- Warbaahinta qaranka Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay xaqiijisay in hogaamiye Kim Jong-un uu u kicitimay shirka uu Vietnam kula yeelanayo Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump.

Warbixinn lagu baahiyay warbaahinta qaranka ee Kuuriyada waqooyi ayaa ah qirashadii ugu horeysay ee xukkumadda Pyongyang ay ku shaacinayso in shirka Hanoi uu dhici doono.

Warbixinn lagu baahiyay warbaahinta qaranka ee Kuuriyada waqooyi ayaa ah qirashadii ugu horeysay ee xukkumadda Pyongyang ay ku shaacinayso in shirka Hanoi uu dhici doono.

Socdaalkiisa waxaa la shaaciyay saacado uun ka dib markii tareen gaashaaman oo midabkiisu yahay cagaar iyo huruud uu ka gudbay xadka dalkaasi la leeyahay Shiinaha.

Safarka dalka Vietnam ayaa la filaya in uu qaato 60 saacadood. Waxaa la aaminsanyahay in safarka ay ku weheliyaan walashiis Kim Yo Jong, iyo mid kamid dadkii wadahadalada ugu qeybgalayay Jeneraal Kim Yong Chol.

Waxaa jirto hadal hayn sheegaysa in Mr Kim uu booqani doono xarumaha ganacsiga ee Vietnam shirka ka hor.

Donald Trump ayaa waxaa uu isku deyi doona in uu siiyo Kim kaalmo loogu talagalay in lagu kaabo dhaqaalaha dalkiisa ee sii liicayay hadii uu joojiyo barnaamijkiisa nukliyeerka. Shirka madaxeedkan labaad ee aadka looga dhursugayo ayaa waxaa uu dhici doona maalinta Arbacada

GABILEY.NET