Siyaasi Cabdinaasir Buuni Oo Wasiir Sacad Ku Canaantay Kala Haddalka Laba Cisho Gudahood Ka Yeedhay Ee Iska Hor Imanaya .

Hargeysa (GNN):- Siyaasi Cabdinaasir Buuni oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee da’da yar, ayaa ka hadlay daynta $80 Milyan ee dollar ee ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ka dhaxasha Xukuumaddii hore ee KULMIYE, waxaanu sheegay in Wasiir Sacad  looga baahnaa inuu beeniyo deyntaasi markii uu garab taagnaa Xildhibaan Buubaa, balse aan loo baahnay inuu laba Cisho ka dib inuu ka hadlo arrintaasi  oo ku tilmaamo mid aan jirin .

Siyaasi Cabdinaasir Buun ayaa sidaasi ku sheegay Wareysi Gaar ah oo uu siiyey Wargeyska Waaberi kaasi oo u dhignaa sidan

“Horta arrinta Daynta oo uu sheegay Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Guddoomiyaha Gudida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland Ibhaarin Buubaa horta waxay kusoo baxday xog is wareysi isaga iyo wasaarada Maaliyada madax-dee dhexmartay markii kullanlkoodaasi usoo dhammaadayn war-baahinta ayey la hadleen wasiirkuna wuu dhinac taagnaa Maaliyadu, markaa haddii ay jirto waxay ahayd inuu isla goobta dadka ugu bayaamiyo oo uu yidhaah-do sidaa uu Xildhibaan-ku sheegay uga maanaan wada haddal .” Ayuu yidhi Mudane Buuni

 

Siyaasi Cabdinaasir Buuni oo haddalkiisa sii wata ayaa  intaasi ku daray“Hadda waxa muuqanaysa in wax si hoose ay uga wada hadleen lakiin’se uu Xildhibaanku ummadda u bandhigay ayaa meesha ka muuqanaysa ama dayntuba aanay ahayn mid ku saabsan habka la yaqaanee ah sida Dowlada iyo shacbiga ay dayntu u kala geli karto habka duwan ayaa meesha ka muuqata, markaa habkaa ka duwan in Bulshada lala wadaago ama la ogaado wixii la qarinayey ayaa meesha ka muuqanaysa .”

 

Dhanka kalena Siyaasi Cabdinaasir Buuni ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay qarsanaysa Daynta $80 Malyan ee Doolkar ah, balse ay  shacabiga la wadaageen Golaha Wakiilada Somaliland, waxaanu ugu baaqay Xukuumadda inay shacbiga u cadayso Dayntaasi oo ay cadayma buuxda keento“Haddii ay Xukuumaddii hore ay dayntaa ka tagtayna inagu Dowlad aad u curdin ah ayeynu nahay waxa jira arrimo dhaqaale sicir barar dalkeena waxa weeye camal la’aan badan ayaa jirta in Xukuumadda marka horeba sida ay u qarsanaysay ay u qarsato ,Golihi Wakiilada Masuuliyada ayaa saaran inay shacbiga la wadaagaan wixii xog ah ee ay hayaan ama iyaga iyo Xukuumadda dhexmarta, markaa Xukuumaddu dayntaasi haddii ay jirtona wax qarsoomaya maaha haddii aanay jirin shacbigeeda inay la wadaagto weeyaan, marka horena wasiirka waxa la gudboonayd ee uu bar-bar taagnaa Xildhibaanka wax-yaabo waxa jira aan la is amaahinin oo arrintan oo kale shacbigii ayaa lala hadlayey mihiim ayey ahayd $80 Milyan Lacag yar mahaa waxay ku fiicnay inuu Wasiirku maalintaa inuu ka jawaabo iyadoo hadda laba cisho ka dib inuu ka jawaabo waxay yar noqonaysaa in arrintaas.”

 

Waxa kale oo uu sheegay in aan Dalkani qaadi Karin xadiga dayntaa noocaasi ah, isagoo ku baaqay in Xukuumadda aan looga baahnay haddal ku beeniso, balse looga baahan-yahay inay cadaymo keento badka “Waxaan odhan lahayn dalkanu ma qaadi karayo Daymaha noocaas ah Xukuumaddu haddii aanay ku qanacsany oo ay jirto lakiin’se ay u habranayso madaama isla KULMIYihii hore uu arrintan galay, markaa haddii ay Xukuumaddu u habranayso KULMIYihii hore oo Madaxweynahan dhisay inay siday u qarsanaysay ee ay ula tacaalaysa inay ula tacaasho ayuun bay ahayd , haddii aanay jirin sida uu Wasiirku maanta sheegay-na waan inay cadaymaha ay hayso ay Xukuumaddu la wadaagto Bulshada, arrintani mahaa mid ku filnaan karta in la beeniyo, waa inay cadaymahay hayaan ay la wadagaan Bulshada ,dadka qaar waxay leeyihiin arrimo siyaasadeed ayaa ku jira, lakiin Xukuumaddu wuxuu xog ah ee ay ka hayso waxa fiican inay Bulshada la wadaagto .”

 

Ugu Dambeyn Siyaasi Cabdinaasir Buun ayaa ka hadlay shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE , kaasi oo la filayo inuu 23 bishan ka qabsoomo Magaalada Boorama“ Annigu Xisbiga kama mid ihi waxa laga yabaa sida anniga igu maqaala ah in Guddoomiye xigeenka labaad oo kale oo magacaaban lagu ansixinayo in  shir weynahoodii oo kaabiga soo saaran dib loogu dhigayo in Guddoomiyhii Golaha dhexe Booskiisii lagu buuxinayo, lakiin Xisbiga kama mid ahi Khayr ayaan uy rajaynayaaa.”Ayuu yidhi Siyaasi Buuni