War Deg Dega Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya Iyo Wasiiro Faderal Ah Oo Maanta Lagu Arkay Wajaale Oo Dhanka Somaliland Ah

Wajaale(GNN)Wararka Shabakada Wararka Ee Gabileynews Ka Soo Gaadhaya Magaalada Wajaale Ee Dhanka Somaliland Ayaa Laso Sheegayaa In Suuqyada Magaalada Wajaale Lagu Arkay Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Iyo Wasiiro Ka Tirsan Xukumada Fedaralka Ee Itoobiya. Wararka Ayaa Intaa Ku Daraya In Madaxweyne Mustafe Cagjar Iyo Wasiirada La Soday Ay Alaabo Kala Duwan Ka Iibsadeen Suuqyada Wajaale Ee Dhanka Somaliland Isla Mar Ahaantaana Ay Dhex Lugeeyeen Suuqyada Kala Duwan Ee Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale Ee Somaliland Arintani Ayaa Dhalisay In Bulshadu Ay Soo Dhigayaan Sawiran Iyo Qoraalo La Xidhiidha Socdaalka Masuuliyiinta Itoobiya Ku Yimaadeen Somaliland.

Shabakada Wararka Gabiley News  Oo Khadka Telifanka Kula Xidhiidhay Gudoomiyaha Degmada Wajaale Ee Somaliland Xaashi maxamuud Cabdi Ayaanu Waxka Waydiinay Socdaalka Madaxweynaha Somaalida Itoobiya Uu Ku Yimid Wajaale Oo Dhanka Somaliland Ah Wuxuna Yidhi Yidhi Sidan.

Waxa Weeyi Dalka Somaliland Wuxuu Leeyahay Shuruuc Iyo Qawaaniin Mana Jirto Waddan Bilaa Ogolaansho La,aan Layskaga Soo Galo Horena Uma Dhicin In Xuduudaha Somaliland Si Bilaa SHarci Iyo Ogolaansho La,aana Layskaga Soo Gala Imikana Dhicimayso.Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Iyo Wasiirkada Fedaralka Ah Ee La Socday Anagaa Ogolaanshaha Siinay In Ay Wajaale Oo Dhanka Somaliland Ah Ay Alaabo Suuqyada Ka Iibsadaan Waanan La Soconay Oo Anagaaba Soo Dhaweynay.Shaqada Aan Bulshada Iyo Qarankaba U Haynaana Waa In Aanu Sugno Xuduuudaha.Cid Anaga Ogolaansho Naga Haysata Ayuunba Soo Gali Karta Cid Kale Ma Soo Gali Karto.

Socdaalka Masuuliyiinta Ka Socda Itoobiyana Anagaa Dalkeena U Ogolaanay Mana Jirto Cid Fasax La,aan Iyo Ogolaansho La,aaan Dalka Isaksoo Gali Kartaa.Waad Ogtihiin Itoobiya Waa Dal Aynu Xuduud Wadaagno Oo Ganacsi Kala Duwan Inaga Dhaxeeyo Oo Aynu Nahay Saaxiibo. Markaa Socdaalkan Wuxuunbuu Xoojinayaa Nabada Iyo Dimuqraadiya Ka Jaanqaaday Somaliland In Dalalka Jaarka Aynu Nahay  Ay Arkaan Hormarka Ka Socda Somaliland Si Ay Somaliland Dalalka Jaarka Uga Hesho Aqoonsi.

Wabilaahi Towfiiq

GABILEY.NET