Wararka Sheegaya In Madaxweyne Biixi Addis Ababa Kula Kulmaayo Farmaajo Madaxtooyada Somaliland Maxay Ka Tidhi ?

Hargeysa (GNN):- Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa  ay  war ay ka soo saartey safarka madaxweyne Biixi ugu baxay dalka Itoobiya ay ku sheegtay in  Safarkaasi qorshihiisa aaney ku jirin In madaxweyne Biixi Addis Ababa Kula Kulmo madax iyo masuulyiin ka socota dalal kale

“Madaxweynaha iyo weftigiisa ayey ujeedada safarkoodu ku kooban tahay kulanka ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo xubnaha kale ee xukuumaddiisa ka tirsan ay la yeelan-doonaan, mana jirto masuuliyiin dalal kale oo madaxweynaha u qorshaysan inuu kula kulmo Dalka Itoobiya” Ayaa lagu yidhi war ka soo baxay  madaxtooyada Somaliland .

Arintan ayaa waxaa ay meesha ka saareysaa warar sacadihii  ugu danbe bulshadu  ku falanqeynaysay baraha bulshada oo sheegayey in Addis Ababa ay ku kulmi doonan madaxweyne Biixi iyo dhigiisa dalka Itoobiya.

GABILEY.NET