Deg Deg: Qarax Xooggan Oo Caawa Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho (GNN) – Qarax xoogan ayaa goor dhaw oo caawa ah waxa uu ka dhacay Degmada Hawlwadaag, gaar ahaan guri ku yaalla meel ku dhaw wadada Warshadaha halka loo yaqaano EVECO.

Qaraxan oo aad u xooganaa ayaa sababay inay argagax dareemaan shacabka reer Muqdisho oo isku diyaarinayay xilliga hurdada.

Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhex dhacay guri lagu diyaarinayay.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan oo laga maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Khamiistii ina dhaaftay oo ugu dambeysay Mintidiinta Al Shabaab ayaa gaari qarax lagu soo raray ku weeraray mid ka mid ah baraha Kontorool ee Madaxtooyada Somaliya, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

GABILEY.NET