Daawo-Wasaarada Arrimaha Dibeda Jsl iyo Safiirka Somaliland u Fadhiya Dalka Itoobiya oo Ku kala Aragti Duwan Shirka Beelaha Dirr.

Hargeisa(GNN):-Safiirka somailand u fadhiya dalka itoobiya ayaa ka hor yimid mawqifka xukuumada Somaliland ka qaadatay shirkii beelaha dirr uga qabsoomay magaalada adis ababa kaasi oo ay hore xukuumada Somaliland U shaacisay in Aanay Wax lug ah ku lahayn iyadoo wasaarada arimaha dibada warkaasi soo Saartay.

Dhinaca Kale  waxa Shirka beelaha direed eedo ujeediyay Madaxwaynaha dawlad Deegaanka somalida Mustafe Muxumed Cagjar Oo sheegayna in shirkan ay wadaan dad aan deegaanka kasoo jeedin,

Si kastaba ha ahaatee Mawqifka xukuumada somaliland ka sheegtay shirkan iyo ka wakiilka somaliland u fadhiya dalka ethiopia ayaa noqonaya laba arragtiyoo oo is burinaya islamarkaana ku kala mawqif duwan.

Halkan hoose Ka Daawo Muuqaalka Labada Arragtiyood.