Faransiiska Oo Kusoo Biiray Loolanka Ka Jira Geeska Africa Iyo Madaxweye Macron Oo Jabuuti Ka Dagay , Itoobiya Iyo Kenya-Na Tagi Doona

Hargeisa(GNN):- Madaxweynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron ayaa muujinaya sida ay xukuumadiisa muhiim ugu tahay xoojinta saameynta dhaqaale iyo tan ciidan ee dalka Jabuuti, wuxuuna soo gaaray caasimadda dalkaasi.

Wadanka Jabuuti waxaa ku yaalla saldhigga ciidamada Cirka France ee ugu ballaadhan qaaradda Affrica, waana marin muhiim ah kaas oo ay ku sugan yahiin 1,400 askari, waxeyna shaqadooda tahay iney tababar siiyaan ciidamada Africa ee ilaaliyaha danaha Faransiiska ee Yemen iyo Geeska Africa.

Macron wuxuu noqday hogaamiyihii labaad ee France kaas oo booqda Gees Afrika muddo 2-sano kadib, waxeyna tani soo yareyneysaa saameyntii sii dhimaneysay oo ay Faransiiska ku lahaayeen mudooyinkii dambe gobolka.

Diblomaasi sare oo faransiiska u dhashay kuna sugan Gobolka ayaa shaaca ka qaaday in Jabuuti ay tahay marin ay dowladda France ku guuleysatay goor hore.

“Wadanka Jabuuti waa dhul uu mar hore ku guuleystay Faransiiska” ayuu yidhi.

“Balse mar walba tartanka ka imaanaya dowladda China ayaa ah mid culus”

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gellle ayaa hadaladaas lagu dhaleeceeyay sanadkii 2015, waxaana France oo xoriyadda laga qaatay 1977 lagu eedeeyay iney ka hor istaageyso maalgalin muhiim ah oo wadamo kale kaga imaaneysa iyadoo la ogyahay iney waxyar bixinayaan.

Saldhig militari oo ay Mareykanku ka sameeyaan hawlgalada Yemen iyo Soomaaliya ayey dowladda Jabuuti martigalisay, balse sanadkii 2013 China ayaa cadadiska ku kordhiyay France iyo USA kadib markii ay saldhigga ugu weyn meel ka baxsan gurigeeda fureen.

Xukuumadda Beijing waey mashaariicyo badan ka sameysay Jabuuti, waxaana ugu weyn iney dib u dhis ku sameeyeen jidkii uu faransiiska dhisay ee isku xiriirinayay Jabuuti iyo  Itoobiya.

Dalka Jabuuti waxey wax soo saarkooda 95% u dhoofiyaan wadanka Itoobiya, waxaana ku nool in ka yar hal milyan, balse waxaa xusid mudan in dalka ay dariska yahiin ay ku nool yahiin dad kor u dhaafaya 100 Milyan.

Marielle de Sarnez oo ah gudoomiyaha Guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Faransiiska ayaa si cod dheer ah xukuumadda ugu tilmaamay wadadii ay qaadi lahaayeen: “Waa in si dhaqso leh aan u xoojinaa, joogitaankeena dhaqaale, dhaqan iyo militari ee gobolka”

Sidoo kale Jabuuti waxaa isbadal wajiyo badan ah ku abuuray heshiiska nabadeed ee aan fileynin oo ay gaareen wadamada colaadda ka dhaxeysay ee Itoobiya iyo Eritrea.

Dhibaato culus ayaa u timid Jabuuti markii Gollaha Ammaanka Qaramada Midoobay ay xayiraadii ka qaadeen wadanka Eritrea, waxaana jirtay iney jabuuti ku eedeysay iney ka heystaan 12 askari iyo dhul aan la shaacin baaxadiisa.

Faransiiska hadda waxey dareemayaan iney maslaxadooda ka dhex arkeen isla markaana ay doonayaan iney xoojiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed ee gobolka.

Ilo wareedyo u dhaw xafiiska madaxtooyada faransiiska ayaa yiri: “Madaxda Jabuuti waa iney naga fishaan inaan wali diyaar u nahay in dalkooda uu hogaan u noqdo dib u dhiska gobolka”.