WARARKA




Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan la qaatay wefti ka socda Hay’adda Caalamiga Ah Ee Laanqayrta Cas Ee (ICRC)

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda Hay’adda Caalamiga ah Ee laanqayrta Cas ee (ICRC), oo ay hoggaaminayso agaasimaha Africa u qaabilsan ICRC, Patricia Danzi.Kulankaasi waxa lagaga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee hayโ€™adda caalamiga ah eeICRC iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay dardar-gelinta xafiiska ICRC ay dhawaan ka furatay gudaha Somaliland iyo sdii laysaga kaashan lahaa deegyada Aas-aasiga & gurmadka deg-dega ah, iyadoo Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka iyo qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland iyo Hayโ€™addu si gaara uga wada shaqayn doona arrimahaasi.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Image may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 2 people, indoorImage may contain: 2 people, suit and indoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standing, suit and indoorImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 4 people, people smiling, people standing