Somaliland Oo War Ka Soo Saartay Kulankii Hogaamiyeyaasha Soomaaliya Iyo Itoobiya

Hargeysa (GNN):- Xukuumada somaliland ayaa war ka soo saartay kulankii Addis Ababa ku dhexmaray madaxweynaha soomaaliya iyo raysal wasaaraha dalka Itoobiya.

War lagu baahiyey boga wasaarada arimaha dibada somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo garwaaqsaday kaalinta ay somaliland kaga jirto arimaha gobolka geeska Afrika.

  • Warka ka soo baxay xukuumada somaliland ayaa u dhignaa sidan:-

“ Dawlada Jumhuuriyada Somaliland waxay soo dhawayneysaa sida Maamulka Farmaajo u garwaaqsadey in ay Somaliland tahay Dawlad Kaalin muhiim u ah kaga jirta Arimaha Gobolka Gaar ahaan dhinacyada Nabad galyada iyo Horumarka Dhaqaalaha ee Gobolka oo aan indhaha laga lalin karin marnaba.

Isla Markaana uu Aqbalay in aanu Soo Faro Galin Xidhiidhka Soo jireenka ah ee Somaliland iyo Ethiopia.”