Tiradada Masuuliyiin Horyaala Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Somaliland Oo Lagu Helay Falal Musuqmaasuq iyo Jawaabta Bulshadu ka Dhursugayso.

Hargeisa(GNN):-Shacabka Somaliland ayaa si weyn ugu dhegtaagaya talaabada laga qaadi doono tirada masuuliyiin ka tirsan xukuumada madaxweyne muuse biixi oo ay dul hoganayaan falal musuqmaasuq.

Iyadoo dhawaan uun ay ahayd kadib markii Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland baadhitaano kala duwan ku sameeyey Wasaarado iyo Xafiisyo kala duwan oo xukuumada Somaliland ah ayaa xogaha aanu  helayno ee la xidhiidha arrintaasi tibaaxeen in tiro masuuliyiin isugu jira Wasiiro Agaasimayaal guud iyo agaasime waaxeedyo wasaarado kala duwan ah loo gudbiyey Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee qaranka Somaliland,

Tirada masuuliyiintan magacyadoodu horyaalaan xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka Somaliland oo gaadhaya ilaa sideed qof ayaa kadib markii madaxweynaha jsl uu saraakiisha hantidhawrka ku amray inay waajibaadkooda shaqo ka gutaan loo gudbiyey todobaadkii ina soo dhaafay xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka Somaliland oo iyagu u xilsaaran sifaha sharci ee loo marayo masuuliyiintaasi.

Walow aanu jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Hay’ada Hantidhawrka Qaranka iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland midna, haddana waxa jira ilo xog-ogaal ah oo u dhuun daloola arrintan oo cadeeyey in Tirada masuuliyiintaasi gaadhay ilaa 8 qof ay hadda magacyadooda iyo cadaymaha falalka loo haystaaba horyaalaan Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland, oo laga dhursugayo maalmaha soocoda maadaama uu madaxweynahu dalka ka maqnaa markii hore in uu u gudbiyo warqada xasaanad ka qaadista masuuliyiintaasi, talaabada taa ku xigtaana noqoto in xabsiga loo taxaabo.

Qorshaha noocan ah ee xukuumadan madaxweyne muuse biixi  kula dagaalamayso falalka musuqmaasuq oo labaatankii sano ee u dabeeyey dalka ragaadiyey ayaa hadii laga midho dhaliyo  dadka aqoonta u leh siyaasada falanqeeyana arrimaha dawladuhu ku sifeeyeen Talaabooyin dhiirigalinay dhismaha dawladanimada iyo dariiq horseedi kara horumar iyo dawladnimo waafaqsan sharciga dalka u yaala.

Sikastaba ha ahaatee shacabka Somaliland ayaa aad ugu dhegtaagaya talaabada taa xiga ee Xafiiska xeer ilaalinta qaranku ka qaado magacyada masuuliyiintaasi loo gudbiyey wallow ay qaarkood ku xidhan tahay in madaxweynaha jsl uu marka hore ka qaado Xasaanada iyo Xilka ay bulshada u hayaan.

Hargeisa somaliland

Gabiley News Network