Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Technologyada Jsl Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Qalabka Lagu Ogaanayo Cashuuraha Ku Waajibay Shirkadaha Isgaadhsiinta oo Dalka Yimid.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Technologyada Jsl Mudane C.wali Suufi Sh Jibriil ayaa faahfahin ka bixiyey qalab dhawaan ay wasaaradu shaacisay in dalka la keenayo kaas oo shaqada uu qabanayaa tahay in lagu ogaado dakhliga soo gala shirkadaha isgaadhsiinta iyo xadiga cashuuraha ku waajibay isticmaalka shirkadaha.

Waxaana Wasiirku waraysigan ku sheegay in dalka la keenay qalabkii qabanayey shaqadaasi oo ay ka wasaarad ahaan masuul ka yihiin islamarkaana wakhtigan ay ku mashquulsan yihiin rikibaada qalabkaasi iyo sidii looga shaqaynsiin lahaa, waxaana wasiirku intaasi ku daray in ay shaqaale u gaar  ah qalabkan u tababareen islamarkaana ay ka hawlgalidoonaan qalabkan oo dawlada u fududeynaya inay soo xerayso cashuuro tiro badan oo waajib ku ah shirkadaha ganacsiga somaliland ee dhinaca isgaadhsiinta.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.

Gabiley News Network

Hargeisa Somaliland