WARARKA




Deg Deg :- Hoyga Madaxweynihii Hore Ee Suudaan Oo Laga Helay Shandado Ay Ka Buuxaan Lacago Kala Duwan

Sudan (GNN):- Ilo Sirdoonka Milliteriga dalkaasi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inย  hoyga Cumar Xasan Al-bashiir laga helay shandado ay ku jiraan in ka badan 351,000 oo Dollar, 6 million oo Lacagta EURO iyo 5 million ee Giniga dalka Suudaan.

Ilo dhinaca Garsoorka oo la hadlay REUTERS ayaa iyagana sheegay inuu Dacwad-oogaha Dowladda amray in la soo xiro Albashiirย  iyo in ay si degdeg ah wax loo weydiiyo, si loo soo maxkamadeeyo.

Dacwad-oogaha ayaa lagu wadaa inuu Madaxweynihii hore ee dalkaasi suโ€™aalo ku dhex weydiiyo Xabsiga uu ku xidhan yahay ee Kobar oo ku yaalla magaalladda Khartuum.

Tallaabadan ayaa soo baxday, kadib, markii uu Dacwad-oogaha bilaabay baaritaankadacwado la xidhiidha ย inuu Albashir lacago xawishay.

Ururka Xirfadlayda Suudaan ee horkacayey Dibadbaxyaddaย  waxay ku baaqeen inย  lala xisaabtamo Al-bashiir iyo Maamulkiisa oo ay ku eedeeyeen inay geysteen Musuq iyo inay fududeysteenย  Xiisahii Dhaqaale-xumida ee sannadihii ugu dambeeyey ee Xukunkiisa.

Dhinaca kale, Qaraabadda Albashiir waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan Baaritaanka la sheegay in lagu bilaabay Albashiir, iyadoo ilo ka tirsan qoyskiisa ayย  isbuucii hore sheegeen in Al-bashiir loo gudbiyey Xabsiga Dhexe ee magaalladda Khartuum.

GABILEY.NET