Madaxweynihii Dalka Aljeria Oo Iscasilay iyo Sababaha Keenay Iscasilaadiisa.?

Hargeisa(GNN):-Sida ay sheegtay warbaahinta Algeria Madaxweynihii dalkaas Abdelaziz Bouteflika ayaa is casilay kadib todobaadyo ay dibadbaxyo ballaarani dalkaas ka socdeen.

Mr Bouteflika, oo talada dalkaas hayey 20 sanadood, ayaa mar horeba meesha ka saaray qorshe uu doonayey in uu mar shanaad isu soo taago madaxtinimada dalkaas.

Ciidanka awoodda badan ee dalkaas ayaa sheegay in madaxweynahaas 82 jirka ah aanu awoodin in uu guto waajibaadkiisa.

Hoggaamiyahan xanuunsan ayaa waxaa haleelay xanuunka faaligga lix sano kahor, waxaana aad u yarayd in lagu arko fagaareyaasha.

Telifishinka qaranka ee dalkaas ayaa ku warramay in madaxweynuhu uu golaha dastuurka ku wargaliyey in uu xilka ka dagayo maalinta talaadada ah.

Hoggaamiyeyaasha dibadbaxyada dalkaasi ka socda ayaa ka horyimid dalabka ah in madaxweynuhu uu dhammaysto muddo xileedkiisa oo ku eg 28 april.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale ku baaqaya in gabi ahaanba la baddalo nidaamka siyaasadeed ee dalkaas ka jira, kaas oo ciidamadu ay kaalin wayn ku leeyihiin.

Dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa u badan dhalinyaro waxayna doonayaan nidaam xukuumadeed oo cusub.

Waxaa jira eedaymo sheegaya in awooddii siyaasadeed ee Mr Bouteflika ay ka faaidaysteen kooxo baayac mushtar ah, siyaasiyiin iyo saraakiisha militariga – si ay jagooyinkooda u ilaashadaan.

Xisbiga talada dalkaas haya ee National Liberation Front (FLN), oo dib u dhigay doorashooyinkii dhici lahaa 18 april, ayaa ballan qaaday in ay abaabuli doonaan shirwayne qaran oo isbaddalo cusub lagu taabbagalinayo.

Xisbiga FLN ayaa dalka Algeria soo xukumayey tan iyo markii uu madaxbanaanida ka qaatay dalka faransiiska sanadkii 1962-dii.

Mr Bouteflika oo talada dalkaas qabtay sanadkii 1999, ayaa gacan bir ah dalkaas ku qabtay kadib markii uu dhacay dagaal sokeeye oo dhiig badani uu ku daatay oo looga soo horjeeday fallaago Islaamiyiin ah, kaas oo galaaftay nolosha 150,000 oo qof.

Wararka ayaa sheegaya in hoonka gawaarida laga maqlayo waddooyinka magaalada Caasimadda ah ee Algiers, kadib markii lagu dhawaaqay in Mr Bouteflika uu istiqaladiisii gudbiyey.

Guddoomiyaha aqalka sare, Abdelkader Bensalah, ayaa la filayaa in uu noqdo sii hayaha xilka madaxweynaha muddo saddex bilood ah inta ay dhacayso doorashadu.

Source Bbc.