Marxuum Nuur Cabdilaahi Waceys (Diifoo) Wuxu Ka Mid Ahaa Dadkii Nabada Iyo Maslaxada Somaliland Mudaba Kasoo Shaqeynayay

Marxuum Nuur Cabdilaahi Waceys(Diifoo) Alle Hawnaxaristee Marxuumku Wuxu Magaalada Gabiley Ku Dhashay 1940,Wuxuna Sido Kale Ku Barbaraay Isla Magaalada Gabiley,Marxuumku Wuxu 1980 Ka Mid Noqday Ganacstadii Gobolka Gabiley Isagoo Sido Kale Ka Mid Ahaa Dadkii Isku Hawlay Maslaxada Iyo Dhexdhexaadinta UMadda Ay  La Noolaayeen,

Marxuum Nuur Cabdilaahi Waceys(Diifoo) Wuxu Kasoo Qaybqaatay Halgankii Dalka Lagaga Saaray Dawladii Macangega Aheyd Ee Siyaad Barre Isago Ka Mid Ahaa Dadkii Soo Jeedin Jiray Talada Iyo Tusaalaha Lagu Begsanayo Nabada Ay Somaliland Maanta Ku Naalooneyso,Wuxu Sido Kale Maal Iyo Fikirba Ku Bixiyay Sidii Loo Heli Lahaa Dawladnimada Somaliland,

Marxuumku Wuxu Ka Mid  Ahaa Odayaasha Dhaqanka Ee Magaalada Gabiley,

Marxuum Nuur Cabdilaahi Waceys Wuxu Ahaa Shakhsi Karti Badan Oo Markasta Caawiya Dadka Masaakiinta Ah Markastana  Bulshada Si Cadaalada Ugu Garqaadi Jiray,Marxuumka Ayaa Hada Ku Geeriyooday Isago Jira Da,da 79 Jir

Marxuum Nuur Cabdilaahi Waceys(Diifoo) Waxa Habeenkii Sabtidu Soo Galasay Lagu Si Heer Qarana Loogu Aasay Xabaalaha Ilma  Waceys Ee Duleedka Magaalada Gabiley

Marxuum Nuur Cabdilaahi Waceys(Diifoo) Waxa Uu Ifka Kaga Tagay 4 Rag Ah Iyo 2 Dumar Ah Isku Geyn Qoyska Uu Marxuumku Ka Tagay Iyo  Waxay Sii DHaleen Waxay  Ka Kooban Yihiin 31 Qof,

Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajacuun