Atoore Caan Ah Oo Lagu Sameeyey Wixii Uu Filimada Ku Jili Jiray

Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya xiddiga jila filimada Hollywood-ka ee, Arnold Schwarzenegger, oo lagu weeraray munaasabad ka dhacaysay dalka Koonfur Afrika.

71 jirkaan oo ah guddoomiyihii hore ee gobolka California ee Maraykanka ayaa dhex galay taageerayaashiisa xilli ay socotay munaasabadda bandhig ciyaareedkiisa lagu magacaabo Arnold Classic Africa sporting ee ciyaartooyda lagu tababaro, waxaana dhabarka ka haraatiyey mid kamid ah raggii munaasabadda kasoo qayb galay.

Ninkii weerarka soo qaaday ayaa la sheegayaa in dhacdadaas kaddib gacanata lagu dhigay.

Schwarzenegger ayaa bartiisa twitter-ka uga mahad celiyey taageerayaashiisa iyo sida ay arrintaas uga xumaadeen, balse waxa uu ku adkaystay “in aanay jirin wax laga walwalo”.

Muuqaalka ayaa si ballaaran ugu baahan baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho, wuxuuna muujinayey Mr Schwarzenegger oo taageryaashiisa sawirro kula galayaha munaasabad ka dhacaysay magaalada Johannesburg kadib markii nin soo booday uu labadiisa lugood oo wadajira hal mar dhabarka uga laaday.

Xiddigaan filimada jila ayaa horay u turunturrooday kadib markii uu laadku ku dhacay, ayadoo ninkii weerarka soo qaadayna uu dhulka ku dhacay, kaas oo isla markiiba ay ilaalada ammaanku garba duub u qabteen.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiintii munaasabaddu, ninkaas ayaa markii dambe loo gacan galiyey saraakiisha booliiska.

Schwarzenegger ayaa taageerayaashiisa ku xiran twitter-ka oo gaaraya afar milyan oo qof qoraal kula wadaagay bartiisa twitter-ka waxa uuna yidhi: ” Waxaan u malaynayey in cidhiidha ka jiray munaasabadda awgeed ay i riixeen dadka ka soo qayb galay barnaamijka, taas oo marar badan dhacda. Balse in la isoo weeraray ayaan ogaaday markaan daawada muuqaalka sida aad aragteenba.”

Taageerayaashiisa ayuu ku tirtirsiiyey in ay diiradda saaraan ciyaarta orodka ee munaasabadda loo qabtay halkii ay weerar ku mashquuli lahaayeen.

“Koonfur Afrika waxaan ku leennahay 90 xarumood oo ciyaaraha qaabilsan, waxaana wax ka barta 24,000 oo orodyahan oo da’ ahaan kala duwan. Aan ayaga diiradda saarno” ayuu ku qoray bartiisa twitter-ka.