Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Kor U Kac Ku Yimid Weerarada Ay La Kulmaan Muslimiinta India + [ Sababta ]

Kor u kac ku yimid weerarada ka dhanka ah Muslimiinta dalka India ayaa kor u qaaday welwelka ururada xuquuqda aadamaha, kuwaas oo dawladda ku boorrinaya inay qaaddo tallaabooyin ad-adag si ay u ilaaliso dadka la tirada badan yahay ee dalkaas.

Xilli ay sii kordhayaan danbiyada nacaybka ku saleysan ee lala beegsanayo Muslimiinta dalkaas oo ku abtirsada diinta 2aad ugu weyn dalkaas, ayaa kooxaha u dooda xuquuqda aadmuhu ay ka digeen dulqaad la’aanta loo hayo dadka laga tirada badan yahay, dulqaad la’aantaas oo aad ugu sii badanaysa dal ay Hinduugu ku badan yihiin.

Jayshree Bajoria oo ah cilmi baare iyo la-taliye Hay’adda xuquuqda aadamaha ee HRW ayaa sheegtay in ay jirto amni darro sii kordhaysa iyo cabsi ay qabaan dadka laga tirada badan yahay ee India, gaar ahaan Muslimiinta iyo Dalits-ka.

Iyada oo u waramaysa Idaacadda VOA ayey sheegtay in dawladdu ay ku guuldarreysatay ilaalinta dadka, isla markaana ay si sax ah u baarto weerarada ay qowleysatadu u geysanayaan dadka haysta diimaha laga tirada badan yahay iyo bulshooyinka la takooro, weeraradaas oo ay inta badan geystaan kooxo sheegta inay dawladda taageeraan.

%d bloggers like this: