Deg Deg Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Talyayasha Guud Ee Ciidamada Qaranka Iyo Booliska Ayaa Cadeeyay In La Qabtay Ragii Dilay Saraakisha

Hargeysa(GNN)Wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland iyo taliyayaasha ciidamada milateriga iyo Booliska ayaa shir jaraa,Id oo goor dhaweyd ay ku qaateen magaalada hargaisa ayaa shaaca ka qaaday in qaar kamida dadkii ku eedaysanaa hawlgalkii lagu laayay saraakiil katirsan ciidamada somaliland in gacanta lagu dhiga Iyaga iyo afar gaadhi oo ah baaburtii lagu haw-galay

Sidoo kale wasiirku waxa uu ka hadley eedihii xisbiga wadani usoo jeediyay wasaarada arimaha gudaha waxaanu tilmaamay in gudoomiye ciro inuu ka soo horjeedo wada jirka qaranka islmarkaana uu ciro reernimo ku aroorinayo Falkii dhacay islmarkaana waxa uu sheegay wasiirku inuu ku gafay gudoomiye ciro sharciga dalka hayeeshee ciro aanu la safnayn qaranka
Dhanka kale waxa uu tilmaamay in xisbiga wadani ku gafay ciidamada qaranka

Isagoo hadalkiisa sii wata wasiirku waxa uu ka Hadley arinta muranka dhalisay ee xaalada degdega ah ee lagu soo Rogay deegaanka ceel_afwey Gar-adag iyo magaalada ceeri gaabo


Gordhow wararkaasi oo dhamays tiran Kala Soco Shabakada Gabiley.Net