Ilhaan Cumar Iyo Ku Xigeenka Trump Oo Ay Ka Dhex Tolatay

Gabadha ka tirsan xildhibaannada aqalka koongareeska Mareykanka ee xisbiga Dimuqraaddiga, Ilhaan Cumar ayaa jawaab kulul u dirtay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence kadib markii uu dhaliilay hadal ay ka tiri xiisadaha Venezuela.

Ilhaan ayaa barteeda Twitter-ka kusoo qortay falcelinteeda ku aaddan Mr Pence waxayna ku cambaareysay inuu iyada u weeraray si shakhsi ahaan ah.

“Haweenka midabka horay way u maqleen arrintan. intii uu dhihi lahaa ‘fikirkaas waan kasoo horjeednaa’ wuxuu yidhi ‘Ma taqaanno waxa ay ka hadleyso. Waa inay na dareensiiyaan inaan tabaryar nahay. Nidaamka noocan ah wuxuu u maleynayaa in isbaddalka cimilada uu yahay ficil uu Shiinaha sameeyay”, sidaas ayey Twitter-ka kusoo qortay Ilhaan.

Ilhaan Cumar ayaa wajaheysa dhaleeceyn kadib markii cabasho ka muujisay habdhaqanka Mareykanka ee ku aaddan Venezuela.

Galinkii hore ee isla maalintaas, Pence ayaa Ilhaan ku eedeeyay inaysan waxba ka ogeyn “waxa ay ka hadleyso”, ka dib markii ay shaacisay hadallo u muuqday inay mas’uuliyadda xiisadaha Venezuela dusha ka saareyso maamulka Trump, maadaama sida ay sheegtay ay si qallafsan ula dhaqmeen waddankaas ayna cunaqabateyno saareen.

Mr Pence ayaa dhankiisa mas’uuliyadda dhibaatada dalkaas ku eedeeyay madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa horay u sameyn jiray ciwaannada warbaahinta, iyagoo marar badan hawada isu mariyay hadallo kul kulul oo ay isku eedeynayaan.

Ilhaan ayaa sheegtay in dagaalka u dhaxeeya iyada iyo Mr Trump uu horseeday inay nafteeda khatar gasho, waxayna madaxweynaha ku dhaliishay inuu dhiirri galiyay dadka halista ku ah iyada.

Horay ayaa Ilhaan loogu eedeeyay inay jeedisay hadallo ‘Yuhuud naceyb ah’

Bishii Fabraayo Ilhaan Cumar, oo ah gabadh muslimad ah oo Minnesota laga soo doorto waxaa lagu eedeeyey ‘in Hadallo Yuhuud Neceyb ah ay ku dhawaaqday’, iyada oo hadalladeeda ula jeedday iney cadaadis ku saarto siyaasadda Arrimaha Dibadda Mareykanka ee ku aaddanTaageeridda Israa’iil.

Jimcihii waxaa magaalada New York lagu qabtay oo dacwad lagu soo oogay nin isku dayay inuu dilo ama waxyeello u geysto Ilhaan Cumar.

Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka waxay sheegtay ninkaasi oo lagu magacaabo Patrick Carlineo oo 55 jir ah oo ka soo jeeda New York inuu wajihi doono ilaa iyo toban sano oo xarig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan $250,000 oo doolar.

BBC