Janaraal Haftar Oo Ka Hor Yimid Xabad Joojinta Bisha Ramadaan

Hoggaamiyaha fallaagoobay ee dalka Liibya, Janaraal Khaliifa Haftar ayaa soo saaray farriin ah in ciidammadiisa ay guluf hor leh ku qaadaan magaalada caasimadda ah ee Tripoli saacado uun kaddib markii Qaramada Midoobey ay ku baaqday dhinacyada isku hayo colaadda inay wada gaaraan heshiis xabad joojin ah bisha barakeysan ee Ramadaan.

Qaramada Midoobey waxay codsatay in xaaladda ban’iidanimada la dhowro balse Janaraal Haftar ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay ballaariyaan go’aankooda iyo damacooda ah inay weeraro kale ku qaadan magaalada Tripoli si ay ula wareegaan gacan ku heynta halkaasi.

Tan iyo markii dagaallada y dib uga soo cusboonaadeen Tripoli bil ka hor, tobonaan kun oo qof ayaa ka qaxay guryahooda.

Tobonaan kun qof ayaa qaxay caasimadda Liibya tan iyo markii dagaallada dib uga qarxeen halkaasImage caption: Tobonaan kun qof ayaa qaxay caasimadda Liibya tan iyo markii dagaallada dib uga qarxeen halkaas

Sabtidii, kooxda isku magacaawday Dowladda Islaamka ayaa sheegtay inay ka dambeeysay weerar lagu qaaday xarunta tababarka ciidammada Janaraal Haftar.

Xarumaha caafimaadka waxay sheegeen in 9 qof ay ku dhimatay weerarka lala beegsaday magaalada ku taalla koonfurta ee Sabha.