Mujaahid Cali Guray Oo Si Kulul uga Hadlay Hadalkii Xidhibaan Dhakool ee Xuska 18 May.

Hargeisa(GNN):-Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf oo Kamida Siyaasiyiinta Reer somaliland ee sida xeesha dheer uga faalooda arrimaha siyaasada somaliland ayaa Qoraal uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu si kulul u naqdiyey hadalo deel-qaaf ku ah Qaranimada somaliland oo uu xildhibaan dhakool oo ka tirsan golaha wakiilada jsl hore u baahiyey taas oo uu kagaga hadlayey jiritaanka xuska maalinta qaran ee 18 may

Halkan ka Akhri Qoraalka ee Cali Guray Arrintaasi Kagaga Hadlay.

Kursiga uu ku fadhiyo Dhakool hoostiisa waxa ku jira lafihii kuwii u dhintay in uu noqdo Xildhibaan Baarlamanka Somaliland ka mid ah
Hadii aanay kuwaasi u dhiman maanta si kale ayuu u ekaan lahaa, wuxuu u eekaan laha sidii uu ahaa intii aanu Hargeysa iman, !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Haduu neceb yahay guushii 18ka May Hargeysa muxuu u dhex joogaa? Xildhibaan Dhakool Laascaanood sadex habeen umuu hoyan, intii uu sheeganayay Xildhibaan ka soo jeeda  sool waxtar iska daaye , reer laascaanood irbad dun uma gelin, wuxuu ahaa kaboqaad calooshii u shaqayste ah. Kuwii ay dhaleen SNM-ta uu yasayo guushiii halgankoodu Hargeysa iyo Burco ayay dhex joogaan iyagoo shaqo la’aani laba diblaysay , kuwaas oo Dhakool uga ayaan roonaaday midhihii halgankii ay aabayaashood ku dhinteen.

Ha uga ayaan roonaado ee waxaan meesha qaban nin kastoo gob ahna aan ka suurtoobin digashada iyo tiikh tiikhsiga.

Curashada Aminta 18- ka May waxa u dhintay 50000 magaalooyin dhan ayaana u burburay Dhakool hadii uu nac iyo ciil u qabo kuwaa may ahayn inuu Hargeysa maanta dhex joogo ee Muqdisho ayay ahayd inuu dhex joogo, ama uu tago Puntland oo uu calanka buluukiga ah hoos hadhsado. Runtu waxaa weeye Dhakool Midna yeeli maayo oo tan ayuu ka helay wax aanu Muqdisho iyo Garoowe midna ka heli karin,

Xildhibaan dhakool edeb ha ku joogo oo afkiisa xun ha ka adkaado calooshiisa naca ciilka iyo naxligu jiifana ha ku haysto oo ha u dhinto isagu naciisa hadii uu wax isla hayo shalayba maalin bay ahayd isna Dhakool uun buu ahaa,

#Qalinkii_Cali_Guray