WARARKA




Mulkiilaha Hotel Hadhwanaag Oo Si Kulul U Hadley , Xukumada Iyo Dawlada Hoose-na Eedeeyey + [ Muuqaal ]

Hargeysa (GNN):- Mulkiilaha Hotel Hadhwanaag Md Xassan Bulbul ayaa waxaa uu si ย kululย  uga ย Hadley doox biyo mareen ah oo Hotel-kiisa ย hor mara kaas oo ciid iyo xashiish gufeyeenย  isla markaana biyihii mari lahaa ay Hotel-kiisa kadinka ka soo galeenย  .Waxaa uu sheegay in Biyihii shalay Hotelka soo galay ayaa dhamaan hotel-ka saameyn ku yeeshay waxaana ay dumiyeen gidaarkii danbe ee Hotel-kaย  , waxaana uu sheegey mulkiiluhu in ay arintani tahay markii labaad ee ay dhacdo 5 sanno gudahood

Mulkiilaha ayaa waxaa uu eedeymo u jeediyey dawlada dhexe iyo dawlada Hoose ee Hargeysa oo uu xusay in ilaa hada aaneyย  ka soo war doonin khasaaraha ku dhacay

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtu.be/OqSHcEfX1Jc

GABILEY.NET