Deg Deg Ninkii Maamulayey Xabsiga Jeel Ogaadeeniya Oo lagu Qabtay Gobolka Mudug

Goldogob (GNN) – Warar laga helayo gobolka Mudug, ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu gacanta ku dhigay nin lagu magacaabo Xasan Ismaaciil Ibraahim (Xasan Dheere), kaasoo la sheegay inuu ahaa madaxii xabsiga Jeel Ogaadeen ee magaalada Jigjiga.

Xabsigan oo dadka lagu ciqaabi jiray mudadii uu xafiiska fahdiyay madaxweynaha xabsiga ku jira ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Albaabada la isugu dhuftay 22-kii Sebtembar 2018.

Sida wararka lagu helayo Xasan Dheere waxa uu si dhuumaaleysi maalmihii danbe ku joogay magaalada Goldogob, kaasoo markii danbe xogtiisa laga war helay, iyadoo xalay Ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen.

Dad arintan ka war haya ayaa ku waramaya in Puntland ay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ay xuduud wadaag yihiin ay ku wareejisay Xasan Ismaaciil Ibraahim (Xasan Dheere),wuxuuna kamid yahay dad loo heysto tacadiyo ka dhan ah aadanaha oo laga geystay gobolka.

Sida qorshuhu yahay, maanta ayaa la filayaa in ninkan dib loogu celiyo magaalada Jig Jiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida, halkaasoo ah meeshii uu markeedii hore isaga soo cararay.

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar), ayaa hore u sheegay iney meel kasta oo ay galan  ka soo saarayaan dadka dhibaatooyinka u geystay Shacabka,

GABILEY.NET