Ra’iisul Wasaaraha Australia Oo La Weeraray

Ra’iisul wasaaraha dalka Australia Scott Morrison ayaa la weeraray xili uu ku jiray olole doorasho.

Mr Scott Morrison ayaa qeybta dambe ee madaxa lagag dhuftay ukun, xili uu ku dhex jiray dad badan

Ukunta ayaa waxa ay ku dhacday madaxa Mr Morrison, inakstoo aysan ku jabin. Waxana ukuntii isaga loo waday ay ku ku dhacday haweeneey da’ ah oo agtaaneyd, kaddibna dhulka ayay ku dhacday.

Muuqaalka ayaa muujinayay gabadh 25 sano jir ah oo goobta lagu qabtay taasi oo ay booliisku sheegeen in markii dambe la xidhay

Mr Morrison ayaa qofka ukunta soo tuuray ku tillmaamay “fulay”.

Balse markii dambe Mr Morrison ayaa ilaaladiisa gaarka ah ku ammaanay sida degdegga ah ee ay arrinta usoo dhex galeen oo ay walaac uga muujiyeen haweeneeyda da’da ah ee ay ukunta ku dhacday, taasi oo ay magaceeda warbaahinta ku sheegeen Margaret Baxter.

Ms Baxter ayaa warbaahinta ABC u sheegtay in goor aan sidaa usii fogeeyn caloosha qalliin looga sameeyay balse aysan wax xanuun ah dareemin markii ay dhulka ku dhacday.

Mr Morrison, ma ahan siyaasigii ugu horreeyay oo ukun lagu bartilmaameedsado sanadkan.

Bishii Maarso, Senator Fraser Anning oo ka tirsan xisbiga Midigta fog ayaa ukun lagu dhuftay kaddib markii uu si xooggan u dhaleeceeyay wararkii ku saabsanaa weerarradii masaajiddadii magaalada Christchurch ee New Zealand.

Wiil 17 sano jir ah ayaa markii dambe boolisku u xireen dhacdadaasi.

Shacabka reer Australia ayaa lagu wadaa in ay codkooda dhiibtaan 18-ka bishan May ee sanadkan.