Trump Oo Furin Horleh Iskaga Furay Dalka Turkiga

Maraykanka ayaa sheegay in aanu hadda wixii ka dambeeya Turkigu ahaan doonin dal xiriir ganacsi oo gaara uu la yeesho Maraykanku.

Go’aanka waxa lagaga dhawaaqay Aqalka Cad wuxuuna si dhakhso ah u dhaqan galayaa maanta oo Jimce ah.

Taas macnaheedu waxay tahay inzTurkigu uusan hadda ka dib badeecado bilaa cashuur ah u dhoofin doonin Maraykanka.

Madaxweyne Trump ayaa waxaa ku furan dhowr furimood oo dagaal ganacsi ah, balse handaaddiisa ayuu haatan ku jeediyey dalka Turkiga.

Wuxuuna saxiixay amar ay tahay in la fuliyo oo uu ku sheegay in heerka maciishadda ee dalku uu yahay mid aad u wanaagsan, taas oo macnaheedu tahay in caawinaad dheeri ah aan loo baahnayn.

Isla markaasna waxaa 25% hoos loo dhigay canshuurtii saarnayd badeecooyinka birta ee Turkiga taas oo la kordhiyay sannadkii hore ka dib markii xiisad dublumaasiyadeed ay ka dhex aloosantay labadan dal ee ka wada tirsan isbahaysiga Nato.

Badeecooyin qiima ahaan kudhow 1.7-da bilyan ee dollar ayaa ilaa iyo hadda laga daayAy canshuurta sababo la xiriira heshiiska ganacsi ee dhow ee labadaas dal ay leeyihiin, balse dhaqaalaha Turkiga ee cagaha badan aan ku taagnayn ayaa waxyeelolo wayni kasoo gaartay cadaadiska uu mrarkanku saaray.

GABILEY.NET