Xildhibaano Dalka Kenya Ka Socda Oo Somaliland Soo Gaadhay Iyo Kulan Ay Golaha Wakiilada La Yeesheen.

Hargeysa(GNN) Gudoomiyaha Gudida arimaha Debedda ee Golaha wakiilada JSL Mudane Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo ay weheliyaan gudoomiye ku-xigeenka Gudidaas Mudane Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale iyo gudoomiye ku xigeenka Gudidda joogtada ah Mudane Axmed Ducaale bulaale iyo xubin Guddida dhaqaalaha ah Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac nac) ayaa kulan xarunta Baarlamaanka kula yeeshay xildhibaano ka socda dalka KENYA oo dalka u yimi ka qayb qaadashada maalinta dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland.

Weftigan xildhibaanada ah ee KENYA ka socda oo qayb ka mid ahina galabta dalka soo gaadhi doonto ayaa waxa hogaaminayay MP SafiyaCabdi Nuur waxaana ku wehelinayay 5 xildhibaan oo kale oo laga soo kala doorto county-yada kala duwan ee dalkaas KENYA.

Xildhibaanada iyo gudoomiyaha gudi hoosaadka arimaha debeda ayaa uga xaal waramay taariikhda Somaliland iyo sida ay dib xoriyadoodii ugala soo noqdeen koonfurta Somalia. Sidoo kale waxa ay u sharaxeen taariikhaha ay wadaagaan KENYA oo ingiriisku wada gumaysan jiray,Waxa ay uga mahadnaqeen safarkoodan iyo inay dalka Somaliland yimaadaan waxaanay.

Waxa iyaguna shirka hadalo ka jeediyey dhamaan xildhibaanadii KENYA ka socday oo tilmaamay inay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin waxan ay indhahooda ku arkeen iyo sida aynu u dhisanay dawlad dimuqraadi ah oo horumar badan ku talaabsatay.

Waxa ay tilmaameen inay doonayaan inay abuuraan xidhiidh intan ka dhow oo u dhexeeya labada baarlamaan iyo labada dawladoodba ah taas oo inoo horseedaysa bay yidhaahdeen inaynu ganacsi labada dhinacba ka imanaya is waydaarsano.

Waxa ay xildhibaanadu carabka ku adkeeyeen inay Somaliland kala shaqayn doonaan dhinac walba culayskana ay saari doonaan sidii ay Ictiraaf caalamka uga heli lahayd maadaama buu yidhi ay iyadu kasbatay wanaagaas MP JARHET MBIOKI oo arintaas ka hadlayay.

Markii kulanku dhamaaday ayaa Xildhibaanada waxa lagu soo wareejiyey xarunta guud loona sharaxay, sidoo kalena Gudoomiyaha Gudida arimaha Debeda ayaa Gudoonsiiyey Hadyad taariikhi ah oo uu ugu talo galay weftiga.

Suleymaan Cabdisitaar Dubad

Agaasimaha warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee

Golaha wakiilada JSL